Madaxweyne Farmaajo oo Suldaanka cusub ee Cummaan uga tacsiyadeeyay geeridii Suldaan Qaboos

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Suldaanka cusub ee dalka Carbeed ee Cummaan Haitham Bin Taymur, iyadoo kulanka uu ka qabsoomay madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Suldaanka cusub uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Suldaan Qaabuus Bin Siciid oo 10kii bishan January 2020 u geeriyooday Kansar hayay.

“Madexwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay Suldaanka Haytham Binu Taymuur geeridii ku timid Suldaan Qaabuus” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somaliya.

Inta badan Hoggaamiyayaasha Carabta iyo Islaamka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Qabuus oo dalkaas maamulayay mudo ku siman 50 Sano, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo kulan weyn oo duco ah.

Suldaan Qaabuus ayaa dalkiisa Cumaan ka dhigay mid kamid ah wadamada ugu muhiimsan ee dhaca Bariga Dhexe, isagoo aan waligiis guursan mudadii uu hayay talada wadankaasi.

Sanadkii 1970kii ayuu afgambiyay aabihiis oo ahaa suldaanka Cumaan,waxaa meydkiisa lagu geeyay qabriga Gaarigii uu u adeegsaday afganbigii aabihii 50 sano ka hor.