Jubbaland oo war ka soo saartay howlgallo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose, kaasoo ay fuliyeen Ciidamada Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdinuur Ibraahim oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgaladaas laga gaaray guulo, isagoo tilmaamay in Ciidamada kula wareegeen saanad milateri.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo tuulooyin hoos-taga degmada Jamaame.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan booqasho ku tagay deegaanka Cabdala Biroole ayaa boggaadiyay ciidamada dadaalada ay uga jiraan difaacida dadka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka cadawga, isagoo ku dhiira geliyay inay laba laabaan howlgalada.

Ciidamada Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo iskood ah oo aanay ku wehlin Ciidanka AMISOM ka waday deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.