Maamulka Somaliland oo xukun toogasho ah ku fuliyay lix ruux

Maamulka Somaliland ayaa maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisey lix ruux oo hore Maxkamadaha Somaliland ay ugu rideen xukun dil toogasho ah.

Raggan ayaa waxaa saaaka lagu toogtay Xabsiga Mandheera oo ah xabsiga ugu weyn ee Somalialnd.

Raggan toogashada lagu fuliyey ayaa lagu helay dambiyo ah inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah Maamulka Somaliland.

Raggan xukunka toogashada lagu fuliyay ayaa kala ah;

1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax.
2: Farxaan Maxamed Xasan.
3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd.
4: Ceydaruus Khadar Haybe
5: Khadar Aleel
6: Xasan Muxumed Cismaan

Raggan toogshada lagu fuliyay ayaa sanado badan waxa ay ku xirnaayeen xabsiga Mandheera.