Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo bilaabatay

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo kan 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xilka guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa waxaa ku tartamaya labo musharax oo kala ah Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka guddoomiye ku xigeenka labaad ay ku tartami doonaan Axmed Maxamed Maalin iyo faadumo Cabdi Cali.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa hore u soo dhamaatay iyadoo loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka 2aad ee Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.