Doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo la soo gabagabeeyay

?????????????????????????????????????????????????????????

Waxaa goordhow la soo gababeeyay doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Galmudug iyadoo la doortay Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen.

Xilka guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa waxaa ku guuleystey C/llaahi Xirsi Maxamed isagoo ka guuleystey Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim.

C/laahi Xirsi Maxamed ayaa helay 59 cod, halka musharaxa laga guuleystay ee Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim uu helay 29 cod iyadoo hal codna uu xumaaday.

Sidoo kale waxaa la qabtay doorashada guddoomiye ku-xigeenka 2aad iyadoo ay ku tartamayeen labada musharax ee kala ah Maxamed Shiikh Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Faadumo Cabdi Cali ayaa ku guuleysatay codad gaaraya 47 cod, halka musharaxa la tartamayay Maxamed Shiikh Axmed Maalin uu helay 41 cod.

Marwo Faadumo Cabdi Cali ayaa noqonaysa haweeneydii labaad eek a mid guddoonka baarlamaanada maamul goboleedyada dalka iyadoo hore Baarlamaanka Hirshabelle ay ka noqotay guddoomiye ku xigeenka 2aad Marwo Canab Axmed Ciise.