Musharaxii 3aad ee u taagnaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo tanaasulay

C/llaahi Axmed Calasow Shiine oo ahaa Musharaxii 3aad ee u tartamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaan C/llaahi Shiine oo ka hadlay hoolka ay ka dhaceyso doorashada ayaa sheegay in sababo jiro awgeed uu Tartanka uga haray, isagoo xusay in aanu rabin in wareegga uu sii dheereeyo, sidaas darteed ay tahay maalin Jimco ah oo la aadayo salaada jimcaha.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in tartanka doorashada uu ka dhaxeeyo labo Musharax oo kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan.

Tartanka labada Musharax ayaa la sheegay in Musharaxii hela 3 meel labo meel ama cod hal dheeri ah uu ku guuleysanayo, sidaasna aan wareeg labaad la aadi doonin, haddii aysan codod xumaan.

Musharaxiinta kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan ayaa loolankooda si aad ah loo hadal hayay, lana dareemayay inay yihiin labada Musharax ee tartanka adag u dhaxeyn doono.