Toos u daawo: Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Waxaa goor dhow ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay ku tartamayaan labo Musharax oo kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan.

Tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah mid xiiso leh oo isha lagu haayo, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Dhuusamareeb olole xoog leh oo ay wadeen Labada Musharax.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga yaabaa inay soo gabagabowda wareegga hore, waxaana Musharaxa hela cod hal dheeri ah uu noqonayaa midka ku guuleysta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo ah 89 Xildhibaan ayaa waxaa Musharaxii hela cododka 46 Xildhibaan uu ku xaqiijinayaa inuu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Halkan hoose ka daawo codeynta doorashada.

Publiée par Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed sur Jeudi 16 janvier 2020