Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta ku dhawaaqaya jadwalka doorashada

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa lagu wadaa in maanta kulankooda u horreeyay yeeshaan, kaddib markii shalay uu magacaabay Guddoonka Baarlamaanka.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa iska dhex dooran doona Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn, waxaana kaddib ay soo saari doonaan jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay u badan tahay in Guddiga uu shaaciyo xilliga ay dhaceyso doorashada oo qaadan karta illaa todobaadka dambe.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa maalin ka hor la kulmay Guddoonka Baarlamaanka, waxaana ay dalbadeen in waqti la siiyo, si ay u ololeeyaan, isla markaana u bartaan Xildhibaannada cusub, iyagoo soo jeediyay in 21 maalmood kaddib la qabto doorashada Madaxweynaha.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa la qabtay todobaad kaddib markii la soo xulay Xildhibaannada, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay ku tilmaameen qabashadaas inay aheyd mid degdeg ah oo aan Musharaxiinta ku sameyn olole doorasho waqti ku filan.