Muwaadiniin Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koofur Afrika

Kooxo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada Cape Town ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed, halka mid kalena ay dhaawaceen.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee magaalada Cape Town, waxaana marxuumka la dilay lagu magacaabayay Nuur Degeb.

Sidoo kale muwaadinka kale ee la dhaawacay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, waxaana dhaawiciisa loola cararay goobaha caafimaadka.

Labada dhalinyaro ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Cape Town, kuna lahaa goobo ganacsi

Waa Muwaadinkii labaad oo Soomaali ah lagu dilo Koofur Afrika sanadkan cusub 2020, iyadoo sanadkii dhamaaday ee 2019 lagu dilay dalkaas Ganacsato Soomaaliyeed.