Akhriso;Shuruudaha Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha laga doonayo inay buuxiyaan musharaxiinta u tartameysa xilka

Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenada Maamulka Galmudug.
Guddiga ayaa shaaciyay illaa 9 qodob oo looga baahan yahay inay soo buuxiyaan musharaxiinta iyadoo ay ka mid tahay in musharaxu uu haysto shahaado jaamacad islamarkaana ka soo jeedo gobolka Galgaduud ama Mudug.

Hase yeeshee shuruudahan guddiga uu soo saaray iyo weliba jadwalka la soo saaray maanta ayaa waxaa diidan qaar ka mid ah guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Halkan ka aqriso sagaalka qodob ee guddiga doorashada galmudug uu soo saaray;