Faahfaahin ka soo baxaysa mas’uul lagu diley Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Firin Maxamed Khuurshe.

Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Khuurshe ayay wararku sheegayaan in koox ku hubeysan bastoolad ay ku dileen meel ku hotel uu ka degenaa magaalada Boosaaso.

Kooxdii ka dambeysay dilka ayaa baxsatay,waxaana la sheegay in allaha u naxariistee marxuumka la diley aysan la socon wax ilaalo ah.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka guddoomiyihii hore ee degmada Qandala.
Magaalada Boosaaso ayaa badanaa waxaa ka dhaca dilalka qaarijinta ee loo geysto mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.