Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah furay barnaamij la magac baxay Bulsho Bile

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray barnaamijkan Bulsho Bile oo ay ku tartami doonaan 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Madasha munaasabadan lagu qabanayay oo ah degmada Kaaraan ayaa degmooyinka ka qeyb galayay waxa ay soo bandhigeen hal abuur kala duwan sida hidaha iyo dhaqanka iyo wax soo saarka dalkeena.

Waxaa lagu bilaabay barnaamijkaan degmooyinka Kaaraan, Heliwaa, Yaaqshiid iyo Shibis oo ah degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamud ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada ku nool Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in hadafka barnaamijkan uu yahay xoojinta Nabadda, dhiiragalinta hal abuurka bulshada iyo dib u soo nooleynta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.