WordPress Qeybta Maamulka oo la Ogadey in Sii Sahlan loo Jabsan karo

WordPress waa mid ka mid ah barnaamijyadda ugu waaweyn ee ay ku shaqeeyan boggag dhanka internet iyo blog-yo badan oo aad maaalinkatste aqriso. Waa madal cajiib ah oo caan ah oo xaqiiqda dhabta ay tahay in ay leyihiin hal abuurayaal tabaruuc ah oo aad u firfircoon oo kalin mug leh ka qaata horumarinta barnaamijka wordpress, Dhanka kale waxaa jiraa waxyaabo afka qalad lagu yirahdo (pluging) oo ay isticmaalayaashu uu isticmaali karaan si ay u horumariyaan boggooda sii ay uu adeegsadan Barnaamijka wordpress  dhanka internetka.

Si kastaba ha noqotee, waxay umuuqataa inaysan dhamaan (plugins-yadda) ay sameeyan hal abuurayaasha wordpress in aysan isku sii uu nashqadeyn taasina ay keento in mararka qaar la jabsado boga ama blog aad ku ku dhisaan wordpress.

Sida lagu sheegay warbixin dhowaan la soo saaray, waxay umuuqataa in dhowaan laga helay qaladaad plugin-ka la yirahdo (InfiniteWP Client plugin), hadaba shabakadaha isticmaalaya  barnaamijkan ayaa waxaa uu nugulyihiin in sii sahlan loo maamusho masraxooga maamulka (admin-ka), oo xitaa uma baahaneysiid fure aad ku gasho sii fuduud ayaa uu gali karta wordpresskaste oo isticmalaya plugin-kaas! waxaa intaas sii dheer in 300,000+  in ka badan ay isticmaalan oo ka dhigeysa mid dadku aad uu jecelyiin dhab ahaantii plugin-kan.

Tiraada isticmaalaya oo kor uu dhafaya 300,000 kun oo shabakadood ugu yaraan, taasoo la micno ah in boqolaal kun oo shabakado ah ay saameyn ku yeelatay.

Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in hal abuuraha barnamijkan, Revmakx, tan iyo markii daboolka laga qaaday in arrinta nugulnaan ay jirto oo lagu shaaciyey shabakadaha ka faaloda tiknoolojiyadda. Waxaa uu soo sarey sixiitaan qaladadka jira ee plugin-ka taas oo dabooshay amaan xumadii jirtey ee saameysay kumanaankun oo isticmaalayasha ee isticmaalayey barnaamijkiisa.

Haddii aad  isticmaaleyso waxaa uu bahan tahay in aad cusbooneysiisid (update) hadaba farsameyaha plugin-ka in aad kala soo degto sii daldaloolada jira ay kaga hagajiso oo aadan uu noqon mid uu nugul in la jabsado shabakadiisa, markaste isku dey in aad la socoto barnaamijka nugulnaanta wordpress ee lagu daabaco wordpress bogiisa dood wadaaga( wordpress forum) .

Ma cadda in ay jireen shabakadoo laga faa’iideystey oo la jabsadey oo ay dhibi ka soo gartey dhibkan dhacay aawadeed, laakiin maanaan maqal wax warbixino ah illaa iyo hadda, waxaad moodaa in waqtigii qeylo dhanta la diraay iyo dib uu habeynta uu ku sameyey farsameyaha plugin-kiisa in ay hayed waqti ku habooneyd oo ka hortagey qasaaro dhici lahaa.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle and Jowhar, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa