Golaha Deegaanka Diinsoor oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen

Golaha deegaanka degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa maanta u doortay guddoomiye C/Salaan Siidow halka guddoomiye ku xigeen loo doortay Aweys Sheekh Cali.

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Diinsoor ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedka Koofur Galbeed oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Koofurgalbeed Maxamed Abuukar Cabdi.

Guddoomiyaha la doortay C/salaan Siidow ayaa waxaa hore wareegto ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Diinsoor wasiirka arrimaha gudaha Koofurgalbeed isagoo xilka ka qaaday guddoomiyihii xilligaas Ibraahim Maxamed Nuur “Shigshigow”.

Hase yeeshee waxaa ku dhintey shan ruux kadib markii dagaal uu dhex maray ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday Shigshigow iyo ciidamo kale.