Jadwal cusub oo ah doorasho Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen oo laga soo saaray Dhuusamareeb

Qaar ka mid ah Guddiga doorashada Galmudug ee dhowaan ka goostay guddiga uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray Jadwal cusub oo ah Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Jadwalkan ayaa waxaa soo saaray illaa saddex ka mid ah guddigii doorashada Galmudug ee labo u qeybsamay waxayna shaaciyeen in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug la qaban doono 5ta Febraayo ee sanadkan taasoo ah dhowr maalmood kadib jadwalka hore ay guddiga doorashada Galmudug u soo saareen.

Halkan hoose ka aqriso jadwalka cusub ee doorashada Galmudug;