Musharax Odawaa “Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u yimid Galmudug oo Hal Xaaf hoggaamiyo, maanta 4 Galmudug ayay maree”

Musharax Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa oo caawa ka qeyb galayay Barnaamij Dood ah oo caawa Telefishinka Somali Cable ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu kaga hadlay arrimaha cakiran ee xilligan ka taagan Galmudug, howsha maamul dhisidda iyo qorshihiisa siyaasadeed haddii uu ku guuleysto.

Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in juhdigii Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda ku bixisay howsha Galmudug ay mira dhalkeeda noqotay  Galmudug oo afar meel caawa ku kala hoyaneysa.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda juhdigii ay ku bixiyeen Galmudug laga soo bilaabo 24 June ee sanadkii hore illaa caawa wuxuu mira dhalkeeda uu noqday Galmudug oo afar meel ku kala hoyaneysa, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u yimid Hal Galmudug oo Xaaf hoggaamiyo, hada waxay maree 4 Galmudug, ma ugu daray mise waa uga roonaaday”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa.

Waxaa uu sheegay in afarta Galmudug ay xilligan mareyso ay kala yihiin qeyb Xaaf horkacayo oo ku sugan Gaalkacyo, Dhuusamareeb oo ay ku kala sugan yihiin dhinacii dowladda iyo Guddoonkii cusbaa ee Galmudug, Musharaxiinta Mucaaradka iyo Ahlusuna oo dhinac ah.

Mr Odawaa ayaa sheegay in markii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii Cadaado ee la dhisayay Maamulka Galmudug ay soo xaliyeen intii badneyd caqabadihii jiray, balse ay u dhineyd oo kaliya hal caqabad oo aheyd Ahlusunadii fadhigooda ahaa Dhuusamareeb, hase ahaatee dowladda Federaalka ay xaalada Galmudug maanta ka dhigeen afar meel oo ay kala taagan tahay Galmudug.

Musharax Madaxweyne C/raxmaan Odawaa oo caawa ka qeyb galayay Barnaamij Dood ah oo ka baxayay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay Ra'iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda juhdigii ay ku bixiyeen Galmudug laga soo bilaabo 24 June ee sanadkii hore illaa caawa uu mira dhalkeeda uu noqday Galmudug afar meel ku kala hoyaneysa."Ra'iisul Wasaaraha wuxuu u yimid Hal Galmudug oo Xaaf hoggaamiyo, hada waxay maree 4 Galmudug, ma ugu daray mise waa uga roonaaday"

Publiée par Abdiaziz Golfyare sur Mercredi 22 janvier 2020