Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM

Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa la kulmay maanta saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo maanta booqasho ku tegey magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa la sheegay in loogaga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug taasoo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in kulankan ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan qeybta 21aad ee ciidamad xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo khilaaf uu ka jiro habka ay u dhaceyso doorashada

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug iyadoo guddigii doorashada ay labo garab u qeybsameen.

Qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa dhaliilay qaabka guddiga doorashada ay u qabanqaabinayaan doorashada.