Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen Maamulada degmooyinka iyo Agaasimayaasha waaxyaha.

Shirkan ayaa xalay ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo ugu horeyn looga hadlay barnaamijka loogu magac daray Bulsho Bile oo ah barnaamij cusub oo loogu tala galay is dhex galka bulshada iyo dhiira gelinta hal abuurka bulshada caasimadda.

Waxaa kaloo shirka looga hadlay dardargelinta amniga magaalada Muqdisho iyo Nadaafadda oo muddooyinkii u dambeeyay Maamulka Gobolka Banaadir diiradda saaray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa wrabixino ka dhageystay mas’uuliyiinta maamulka degmooyinka, isagoo kula dardaarmay inay dardargeliyana ka shaqeynta horumarinta caasimadda, shacabkana loogu adeego si daacad ah oo cadaalad ku jirto.