Fanaankii Daa’uud Cali Masxaf oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maant magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday fanaanka caanka ahaa ee Daa’uud Cali Masxaf.

Daa’uud Cali Masxaf ayaa ku dhashay magaalada Jowhar isagoo ka mid ahaa kooxdii fanka ee magaalada Jowhar ee la oran jirey Yogol.

Allaha u naxarisitee Daa’uud Cali Masxaf ayaa caan ku ahaa garaacista muusiga iyo weliba ku luqeynta heesaha,waxana uu toddobaatameedyadii ku biirey kooxda Waaberi.

Dagaalada sokeeye kadib ayuu Daa’uud Cali Masxaf waxa uu ku noolaa dalka Jabuuti iyo Ethiopia.