Lix askari oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay duleedka Balcad

Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in ugu yaraan lix askari ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen ay miino kula qaraxday meel u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca Soomalidu u taqaan Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen ciidamadan.

Dhaawaca askartan ayaa la geeyey degmada Balcad mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay.

Hase yeeshee hore ayaa inta u dhexeysa degmada Balcad iyo degmada Jowhar waxaa ka dhacay qaraxyo miino ah oo lala beegsaday gaadiidka wadada mara ee ay adeegsadaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Hase yeeshee labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa xirnaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa Jowhar iyo Balcad kadib markii fatahaada biyaha wabiga ay jareen isu socodka gaadiidka iyo dadka.