Madaxweynaha Puntland oo kula kulmay Nairobi Safiirka Ingiriiska ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socotay safaaradda dalkaasi.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay shaacisay in Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Deni waxaa kulankaasi ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Golaha fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa Nairobi kulamo gaar-gaar ah kula yeelanaya safiiro ka socda Beesha Caalamka.