Sheekadii Xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 117aad

Sidii la sheegay ayay Falis salaadii Maqribka xaafada u soo Dukaday Aamow oo albaabka ka furtay uma sheegin inuu Mursal Joogo balse markii ay gudaha u gashay ayay durbadiiba dareentay inuu Joogo oo aragtay kabaha yaal qolka fadhiga illinkiisa dib ayay u soo laabatay oo ay Aamoow ku tiri

Falis:

In Mursal joogo maxaad igu sheegi weyday

Aamow oo si isu maahineyso ayaa tiri

Aamow:

Alla waan ilaaway Walaahi

Falis:

Ka waran haddii aniga oo garbasaarka dhigtay aan qolka geli lahaa

Aamow:

Hadda ma aadan sameyn sax wiilkiisa ayaa uu la cayaarayaa manta fursad dheer Ayaan heystaa ayaa uu yiri

Falis waa ay ka tagtay oo qolkeeda jiifka ayaa ay ku dukatay in cabaar kadib ayay u soo baxday Mursal oo weli qolki ku jira sidoo kalana wiilkiisa la cayaarayo markii ay soo gashay ayaa uu ku tiri

Falis:

Mursal ii waran

Mursal:

Fiican Falisey ma timid caawa wiilkayga Ayaan la cayaarayaa maasha allah waa farxaan waxaan filaayey inuu igu ooyo doono laakiin waaba nin qosol badan oo cid kasta la cayaarayo

Falis:

Maasha allah Hooyadiis iyo Aabahiisba ma raacin waxaad moodaa inuu aniga wax badan iga raacay

Mursal:

Laakiin adigaba ma tihid Falistii aan aqiinay ee farxaanta aheyd bal soo fadhiiso aan hadalnee

Falis:

Waayuhu mararka qaar waa uu ku badalaa

Mursal:

Falisey dareen ayaa kaa muuqda ee ii sheeg maxaa iga kaa dambeeyey

Falis:

Maxaad dareentay Mursal malaha si baad ii dabagalaysay

Mursal:

Falisey aniga si wanaagsan Ayaan kuu aqaan indhahaaga dareen xoogan ayaa ka muuqda bal ii sheeg yuu yahay wiilkaan nasiibka leh ee aad nolosha u furtay oo dartiis u rabto in aad nolosha mar labaad aad dhisto

Falis:

Nafta si kasta oo aad u xerxerto haddana mararka qaar dareenka ayaa hogaanka kuu qabto oo mar kaliya ku soo ridayo

Mursal:

Dareenka aan arkayo waa uu jiraa sax

Falis:

Si wanaagsan ayaad ii aqrisay

Mursal:

Ma ogaan karaa cida uu yahay kolay aniga xarig adag ayaad igu xertayee

Falis markii sidaa la yiri ayay fadhigii ka kacday oo xagga dariishada aaday waxayna ku tiri

Falis:

Nolosha sida aad u rabto ma dhacdo in aad u hesho haddana marka aad guuldareysato waxaa loo baahan yahay in aad qadarta aqbasho aniga qadarta waan aqbalay ileyn qofkaan dareenka u qaaday ayaa noqday nin noloshiisa hore u meeleeyey mana aha in aan hadda culeys ku noqdo

Mursal:

Side kuma fahmin

Falis:

Mursal jaceykaan iga muuqda waan la soo daahay waana ku qasban nahay in aan dib u liqo

Mursal:

Sidaas ma awoodaa waa maya ogow in nasiibka lagu kala hormaro intaa uu ku aqbalaa aniga waxaan ku dhihi laha u sheego waan hubaa ma qasaarii doontid

Falis ilin soo dhaaftay ayay iska tirtay inta ay gadaal u soo laabatay ayay Ku tiri

Falis:

Mursal ma is tiri Falis farxadaba looma qorin

Mursal:

Maya waan hubaa in nolosha ay farxad kuu dambeyn doontobalse adiga hadal oo kaliya aniga mar kasta waan ku garab taagan nahay

Falis iyada oo aan hadal oran ayay Maxamed oo aabahisii dhabta u saaran ka qabatay damacday in ay iska baxdo balse waxaa gacanta qabtay Mursal oo inta uu Maxamed ka qabtay u yeeray Aamow oo laf ahaanteyda aan albaabka ka fogeyn oo xaalka meesha ka jira dhegta u taageysay ayaa durbadiiba soo gashay oo uu ku Yiri

Mursal:

Maxamed Yare halkaan ka wad waxaan rabaa in aan Hooyadiis la hadlee

Falis:

Laakiin waa in aan casho siiyaa

Mursal:

Dhib malaha Aamow ayaa siineyso

Falis:

Maxaad damacsan tahay Mursal

Mursal:

Sheeko Ayaan rabaa in aan kaaga sheekeeyo si aad u dareento in aad qaldan tahay

Falis:

Qalad side ah

Mursal:

Falis nasiibkaaga ayaad rabtaa in aad ka cararto marka waa in aan ku celiyaa ee soo fadhiiso oo I dhageyso oo kaliya

Falis iyada oo yaaban ayay fadhiisatay kuna tiri

Falis:

Waan ku maqlayaa maxaad ii sheegeysaa

Mursal:

Caawa waxaan ogaaday in samirka uu mar kasta sed leeyahay oo aan marnaba ku qasaari doonin haddana adiga caawa kuma dhahayo u Samir jaceylkaaga ee waxaan ku leeyahay inta aad hortagto qiro waan hubaa in uu ku aqbalayo

Falis:

Waxaad u hadleysaa sidii qofkaa si fiican u yaqaan

Mursal:

Ma aqaan ileyn adigaba iima sheegin basle waxaan ku leeyahay jaceylka waa uu dhawacyo badan yahay mana xamili kartid waa waxa aan kugu diidayo in aad aamusnaado ma ogtahay in jaceylkaaga uu buuro badan igala dhacay nafteyda iyo aniga ayaan is aqoonsan kari weynay Hooyadey waa ay igu daashay meeqo hablood ayay ii soo bandhigtay intaas midna ma aanan aqbalin ugu dambeyn inta ay iga quusatay ayay ducada uun igu kaabeysay. Falisey ma ogtahay nafteyda waxaan ku madadaaliyey

Falis:

Maxay tahay

Mursal:

Sheeko qiyaali ah Ayaan u dhigay oo aan u aqriyey iyada waa ay qaadatay ilaa markaasna waxaan galay nolol degan

Falis:

Sidee

Mursal:

Waxaan nafteyda u sheegay in aan farxad adiga kugula noolahay waxaan u dhaqmayey in aan nahay lamaano farxad ku nool markaan shaqada joogo waxaan isu sheegaa in aad I sugeyso waana u soo degdegaa gurigayga si kastaba marna ma ogolaanayo in adiga aad waaladaas oo kale ku noolaado

Falis oo yaab ka soo haray ayaa inta ay soo istaagtay ku tiri

Falis:

Laakiin Mursal gabadhaan Bilan ah iyo adiga

Mursal:

Haa aniga iyo Bilan waxba nagama dhaxeeyaan midna ku darso Bilan waa naag la qabo oo waliba labo caruur hooyo u ah waxaan ganacsi aheyn nagama dhaxeeyaan

Falis:

Aniga waan qaldanaa si qaldanna waan u fikiray

Mursal inta uu u soo dhawaaday ayaa uu ku yiri

Mursal:

Weli fursad waad heysaa qofka ku hortaagan waa qof ku jecel oo aan marnaba dhib inuu ku soo gaaro aan ogolaaneynin

Falis markiiba waa ay isku duubtaya oo waliba qiratay dareenkeeda waxa ay cod dheer ugu sheegtay in ay jeceshahay oo aysan la’aantiisa nolosha dhadhan u laheyn Mursal oo si xoogan isugu duubay ayaa yiri

Mursal:

Jaceylkayga inuu libintu helayo waan hubay laakiin sidaan fudud uma maleyneynin waa Ku jeclaahay Falis abidna waan ku jeclaan doonaa

Waxa ay aheyd habeen uu soo dhamaaday fahamdaradii jirtay waxa uu ahaa habeen lamaanihii fikirka kala irdeeyey ay dib u midoobeen dareenkooda isu sheegteen

Farxada qolka dhexdiisa kuma koobneyn waxaa dhinaca kale farxad la duuli rabtay Aamow oo wax walba maqleysay sidoo kale lama aysan daahin in ay Sureer u sheegto oo iyada goobteeda farxada ka muujineysay habeenkaa