18 qof oo ku geeriyootay dhul gariir ka dhacay bariga dalka Turkiga

Illaa 18 qof ayaa ku geeriyootay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dhul gariir xooggan oo ruxay bariga dalka Turkiga.

Dhul gariirka oo cabirkiisa ahaa 6.8 ayaa burburiyay dhismooyinka magaalada Sivrice ee Gobolka Elazig, waxaana la soo sheegayaa in sodon ruux ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Dhul gariirka ayaa xooggiisa laga dareemay dalal ka fog Turkiga sida Falastiin, Iran iyo Lubnan.

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in kooxaha gurmadka gobolada kale loo diray magaalada uu ka dhacay dhul gariirka, waxaana heegan la geliyay Ciidamada.

Muuqaalo laga baahiyay Telefishinada dalka Turkiga ayaa muujinayay burbur baaxad leh oo ka dhashay dhul gariirka.