Ciidamada Booliska Jowhar oo gacanta ku soo dhigay aabbe wiilkiisa gowracay

Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen aabihii xalay wiilkiisa ku gowracay mid ka mid ah xaafadaha Jowhar.

Taliyaha ayaa sheegay in Cismaan Ibraahim oo wiilkiisa Ibraahim Cismaan Ibraahim xalay fiidkii ku gowracay Laanta Faanoole ee Xaafada Horseed ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in aabbaha markii uu falka dilka geystay uu goobta ka baxsaday, balse howlgal ciidamada sameeyeen ay suura gashay in la soo qabto.

Aabaha dilay wiilka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xooggooda uga xamaasha  magaalada Jowhar,

Falkan naxdinta ahaa ayaa dadka deegaanka si weyn uga argagaxeen, waxaana la sheegay aabbaha uu gowracay curadkiisa oo 14 snao jiro ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta uu u dilay.