Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo 7 shuruud ku xiray ka qeyb galka doorashada

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee xulafada ah ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen hannaanka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo sida ay suurta gal ku noqon karto inay ka qeyb galaan.

Musharaxiinta oo kala ah C/raxmaan Odawaa, C/llaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheere ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka doorashada, waxaana ay ku baaqeen in la iska kaashado sidii Galmudug uga dhici laheyd hal doorasho, iyadoo loo howlgalayo in la xaliyo khilaafyada iyo is mari waaga wajiyada kala duwan leh.

Sidoo kale Musharaxiinta in la sameeyo Guddi cusub oo doorashada ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada kala duwan oo ay doorashada khuseyso, si wada ogol la isla meel dhigo jadwalka iyo habraaca doorasho.

Halkan hoose ka akhriso:-