Abiy Ahmed “Dhowaan ayaan kula kulmayaa Asmara Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ku shaaciyay inuu Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea uu kula kulmi doono magaalada Asmara kana wada hadli doonaan arrimo badan.

“Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed C / llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta ah ee Asmara ay joogitaankeena farxad ka yeeli doonto.”ayuu sii raaciyay qoraalkiisa ra’iisul wasaaraha dhowaan la guddoonsiiyay abaalmarinta Nabbada ee Nobel Peace Prize.

Madaxda saddexdan dal ayaa kulamo kala duwan waxa ay yeesheen dhowrkii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii dowlada Ethiopia heshiiska la gashay dowlada Eritrea.
Hase yeeshee dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa sheegay in aan la fahmi karin danta dowlada Soomaaliya ugu jirta isbahaysi ay la yeelato dalka Eritrea.

Horaantii bishan ayuu Madaxweyne Farmaajo booqday caasimada Eritrea ee Casmara iyadoo hore uu illaa afar jeer u booqday dalka Eritrea.