Afar ruux oo siyaabo kala duwan dil toogasho ah loogu fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in siyaabo kala duwan xukun dil ah loogu fuliyay afar ruux deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowlada Soomaaliya.

Saddexdan ruux oo mid ka mid ah uu ahaa 75 jir ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu toogtay fagaare ku yaal deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Magacyada saddexda ruux ee toogashada lagu fuliyay ayaa lagu kala sheegay Faliir Yarow Cali oo 75 jir ah, Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sano jir ah iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo 20 sano jir ah.

Wararka kale ee ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta magaalada Kismaayo xukun dil ah lagu fuliyay askari la sheegay inuu hore u diley askari kale.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa askarigan oo la oran jirey Bakar Sheekh ku xukuntay dil kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay askari kale oo la oran jirey Siyaad Maxamed Xasan.