Maamulka Puntland oo sheegay in ardaydoodu aysan galayn imitixaanka dowlada federalka

War ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ardayda maamul goboleedka Puntland ay xaq u leeyihiin inay imtixaan gaar ah galaan isla markaana helaan shahaadooyinkooda.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa si weyn ugaga soo horjeestey hadal uu dhowaan sheegay wasiirka waxbarashada dowlada federalka Cabdulaahi Goodax Barre, kaasoo ahaa in ardayda wax ku barata deegaanada Puntland ay ka qeybgalaan imtixaanka guud ee dowlada haddii ay doonayaan inay helaan shahaadada dowlada federalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa lagu sheegay in dowlada federalka ay hore heshiisyo u wada galaan kuwaasoo qeexaya in ardayda Puntland imtixaan gaar ah geli karaan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saartay Wasaarada Waxbarashada Puntland;