Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo markii 3aad waqti ku daray is diiwaangelinta Musharaxiinta

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa markii 3aad waqti ku daray is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, iyadoo maanta uu is diiwaan geliyay Musharaxii ay dowladda wadatay Axmed Qoor Qoor ee la filayo inuu ku soo baxo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xuseen Tahliil Calool Geel ayaa sheegay in waqtiga is diiwaan gelinta oo maanta ku ekeyd lagu kordhiyay illaa maalinta berri 2-da duhurnimo.

Inkastoo Guddiga doorashada Madaxweynaha uu labo garab u qeybsamay, hadana xubnaha 8-da xubnood ee Guddiga uu taageersan yahay Guddoonka Baarlamaanka ayaa u muuqda kuwo u socon la’ jadwadlkii doorashada ee ay todobaadkii hore soo bandhigeen.

Musharaxiinta ugu tunka weyn ee taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa diiday inay is diiwana geliyaan, iyagoo qaadacay hannaanka ay u socoto doorashada, waxaana ay dalbadeen in lagu soo daro Ahlusuna qeybaha dhiman ee doorashada iyo in dhammaan lakala diro Guddiga.

Illaa iyo hadda waxaa is diiwana geliyay Musharax Qoor Qoor iyo saddex Musharax oo kale oo labo ka mid ah xilli dambe ku soo biiray tartanka doorashada, kuwaasoo u muuqda kuwo taageersan Musharaxa dowladda ay wadato, si uu loo helo cid uu la tartamo.

Sidoo kale illaa shan Musharax oo u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa is diiwaan geliyay, waxaana weli isa sii guraya jadwalkii doorashada ee xubnaha 8-da ay soo bandhigeen

Si kastaba ha ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo labo doorasho oo iska soo horjeeda, taasoo caqabad ku noqon karta howshii muddo soo socotay iyo dadaalkii loo galay dhismaha Galmudug loo dhan yahay.