Ra’iisul Wasaare oo daah-furay Mashuuc lagu maalgelinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed, kuna baxeyso $1.6 Mliyan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta furay mashruuc lagu maalgelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ku binaysa US $1.6 Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada.

Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo ka mid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.