Akhriso: Jubbaland oo sheegtay in xaalada C/rashiid Janan ay u dhaxeyso nolol iyo geeri

Maamulka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay xaalada murugsan ee Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaddib markii maanta duhurkii ay Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ay shaacisay inuu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa.

War saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Warfaafinta  ee Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si sharci darro u afduubatay C/rashiid Janan 31 bishii Agosto 2019, tan iyo mudadaas aan Maxkamad la horgeyn, dambina lagu soo oogin.

“Mudada shanta bilood ka badan ee uu xirnaa C/rashiid Janan ehelkiisa iyo cid kastoo daneyneysay midna looma ogolaan , isla markaana loo diiday inay arkaan wasiirka qareeanadii loo qabtay, iyadoo uu amray xafiiska xeer ilaalinta qaranka, dowladda Jubbaland waxay ka walwalsan tahay in xaaladiisa u dhaxeysa geeri iyo nolol”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in si degdeg ah looga dalbanayo dowladda Federaalka inay meel ku sheegaan C/rashiid Janan, sidoo kale waxaa Beesha Caalamka lagu wargeliyay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyadda wixii ku dhaca Wasiirka.