Dalalka Ethiopia iyo Kenya oo lagu arkay dad looga shakisan yahay cudurka Corona

Wadamada Ethiopia iyo Kenya ayaa lagu arkay dad looga shakisan yahay inay qabaan cudurka caabuqa Corona oo dhowaan ka dilaacay dalka Shiinaha.

Illaa afar ruux oo ka yimid dalka Shiinaha soona gaaray dalka Ethiopia ayaa haatan la geliyay karantiil iyadoo laga baarayo cudurkan.

Hase yeeshee dalka Ethiopia ayaan ku oolin sheybaar cudurka lagu baari karo,waxaana loo qaaday dhiigga afar ruux oo arday ah dalka Koofur Afrika si loogu soo baaro.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Itoobiya, Dr Lia Tadesse ayaa sheegtay in afarta qof ee looga shakisan yahay in qabaan caabuqa ay u dhasheen Itoobiya.

Dhinaca kale dalka Kenya ayaa lagu arkay calaamado u eg cudurka Corona arday u dhashay dalkaas oo dib uga soo laabtay dalka Shiinaha

Ardaygan ayaa lagu karantiiley isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi. Waxana ardaygan uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee loogaga shakiyo cudurkan gudaha dalka Kenya.

Cudurkan oo ka bilowday dalka Shiinaha ayaa illaa hadda waxaa u geeriyooday illaa boqol ruux halka uu soo ritey oo ay jiifaan dad gaaraya 4,500 oo ruux.
Wararka ayaa sheegaya in cudurkan uu haatan ku sii faafayo caalamka oo uu gaaray illaa 16 dal.