Wararkii ugu dambeeyay dab xalay ka kacay Bangiga Dhexe ee dowladda (Sawirro)

Waxaa xalay uu dab xooggan ka kacay xarunta Bangiga Dhexe ee Sil-silaweyne degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo waaxda dab damiska ee dowladda Hoose ay si degdeg ah ugu guuleysatay in la damiyo dabkaas.

Sida wararku sheegayaan dabka ayaa ka dhashay koronto, iyadoo aanay geysan wax khasaare oo sidaa u weyn, marka laga reebo xafiisyo kooban oo uu dabka saameeyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa goobjoog ka ahaa daminta dabka oo la sheegay in aanu geysan wax khasaare ah.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa boggaadiyay sida degdegta ah ee looga jawaab celiyay daminta dabkaas, waxaana uu ammaanay Waaxda dab damiska ee habeenkii marka dadka seexdaan u soo jeeda, si ay ugu jawaabaan marka ay timaado xaaladan oo kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay guryahooda dhigtaan haamaha oksijiinta leh, si haddii uu dab kaco xilli dambe looga hortago inuu faafo.

Xarunta Bangiga Dhexe ee dowladda ayaa taalla hantida dowladda, iyadoo la dhigo wixii dhaqaale ee dowladda u soo gala, sida canshuuraha iyo deeqaha lacageed ee dowladda soo hesho