Xildhibaan Fiqi oo saddex su’aal ka keenay baxsashadii C/rashiid Janan, kuna tilmaamay…

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa su’aalo ka keenay baxsashadii C/rashiid Janan, isagoo xusay inuu ahaa nin markii hore la soo afduubtay oo ku xirnaa guri aan la aqoon.

Qoraal uu bartiisa soo dhigay ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka laga rabo isagoo nool, wixii intaa ka soo haray ay tahay riwaayad raqiis ah.

“Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3. Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Taliye Kuxigeenka Booliska ayaa qoraal ay barteeda Twitterka ku soo qortay waxay ku sheegtay in C/rashiid Janan uu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, hey’adaha amniga ay ku raad-joogaan iyadoo shacabka ugu baaqday inay ku soo wargeliyaan cidii aragta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu ka baxsaday guri lagu haayay oo ku dhow Xarunta NISA, iyadoo ay ka dhasheen hadal heyno kala duwan oo baraha bulshada qabsaday.