Daawo: Khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka bilaabatay Dhuusamareeb

Waxaa goor dhow magaalada Dhuusamareeb ka bilowday Khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, iyadoo fadhi uu leeyahay Baarlamaanka Galmudug oo uu shir guddoominayo Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal uu ku furmay illaa 72 Xildhibaan.

Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ee ahaa xubnihii 8-da ayaa sii wada howshii jadwalka doorashada ee ay horay u dejiyeen, iyadoo ay jiraan khilaaf ka taagan hannaanka doorashada Galmudug oo ay horay uga soo horjeesteen inta badan Musharaxiinta ugu tunka weyn iyo Ahlusuna.

Jadwalka doorashada ee Guddigan ayaa dhigaya in maalinta berri oo taariikhda tahay 30 bisha January ay dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ay iska diiwaan geliyeen illaa sagaal musharax oo afar ka mid ay yihiin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Galmudug inay xaliyaan khilaafkooda, isla markaana ay ka soo baxdo doorasho loo dhan yahay.

Dhinaca kale waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socota howl kale oo xubnaha Ahlusuna ay wadaan, kaasoo ay ku dooranayaan Madaxweyne, iyadoo shalay ku dhawaaqay liiska 69 Xildhibaan iyo Guddoomiye Baarlamaan.

Dhaq dhaqaaqyada ka socda Dhuusamareeb ayaa muujinaya in labo doorasho oo iska soo horjeeda ay socoto, iyadoo laga yaabo in Labo Madaxweyne lagu kala doorto. sidoo kale waxaa weli magaalada Gaalkacyo ka socda howshii kale ee uu waday Axmed Ducaale Geelle Xaaf, taasoo iyana maamul saddexaad oo Galmudug ah looga dhawaaqayo.

HADALJEEDINTA MUSHARRAXIINTA MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDG IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

Publiée par Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed sur Mercredi 29 janvier 2020