Ma dhihi karto maya: ragga reer Yugaandha oo dalbanaya in la naasnuujiyo

Waxaad Mararka Qaar la kulmaysaa Ragga uu deg degaaya kulabashadda guryahooda si ay “ugu fadhiistaan oo ay uu nuugaan” naasaha xaaasaskooda. Halka aynu ka hadlayno waa Ugandha, oo run ahaantii dhaqankan uu ka jiro, halka qaar ay ragu yiraahdan waa mid lama-huraan ah, waay sii kordhaysaa cadadaan,  walaaca ayey ka mujiyeen khubarada falgalka ku saleysan jinsiga iyo dhaqanka qasabka.

Qeybo ka mid ah dalka Yugandha, dhallaanka hadda dhasha waxaa qasab ku ah in ay la wadaagaan caanaha hooyadood (Waa caana naaska) aabahood, Taas oo macnaheedu yahay in ay naaska isla nuuga abaha iyo ilmihisa.

Jane ‘ninkeeyga * wuxuu jecel yahay caanaha naaska. “Waxa uu dhahaa waan jeclahay dhadhankooda, waxaay sare uu qadayaan caafimaadkeyga. Waxaan dareemayaa wanaag markan caabo kadib,”ayey tiri 20-jirkan u dhashay Ugaandha, kaasoo leh ilmo lix bilood jira.

Jane waxaay sheegtay in ninkeedu bilaabay inuu caano ka nuugo naskeeda uu codsadey habeenkii ay isbitaalka ka soo baxdey kadib umusheedi. “Wuxuu igu yiri caanaha way i caawinayaan. Waxaan dareemayaa ficnaansho.”

Ragga cabba caanaha naaska xaaskooda waa mid caadi ah in laga helo qaybo ka mid ah dalka Uganda, Tansaaniya iyo Kenya. Waxaa lala xiriirinayaa arrintan in dhanka iskudhaca jinsiga iyo dhaqanka khasabka ah ee ka jira gobahaas ay sabab uu yihiin, waxaana jira walaac laga qabo saameynta nafaqada ilmaha uu ku yeelan karo.

Wax war ah lagamahayn ficiladda foosha xuun ee ay ku kacayeen raggan ilaa ay wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dalka Ugandha, Sarah Opendi, ay ku dhiiratay inay si furan uga dhex hadasho baarlamaanka dhexdiisa oo ay jabiso amuusnaantii sanadku marku ahaa 2018, waxayna ka digtay “dhaqan sii faafaya ee ay raggu ku dalbanayaan inay nuugaan caanaha naska xaaskooda, taas oo dhibaato ku noqotay qaar ka mid ah hooyooyinka xiliga ay naasnuujinayaan dhallaankooda” Wixii intaa ka dambeeyay, hoos u dhac ayaa laga dareemay degaanadda uu dhaqankaas ka jiray.

Sababaha ifafaalo iyo cawaaqiibkooda ayaa hadda ah mowduuca miska saraan, waxa la rumeysan yahay inuu yahay daraasadkani mid horudhac ah oo ku saabsan dhaqankan ka jira gobalka, Jaamacadda Kyambogo ee ku taal Kampala iyo Jaamacadda Kent ee Ingiriiska, oo taageero ka helaya Sanduuqa Cilmi-baarista Caqabadaha Caalamiga ah ayaa darasadkan sameyey.

Runtii waxay ahayd howl sahminteedu ay adkeyd. Ma aanan ogeyn inaan heli doonno qof diyaar u ah inuu nagala hadlo oo noo qiranaya inuu sidaas sameeyey. Xitaa ma aanan hubin inay run tahay iyo in kale, ayay tiri Dr Rowena Merritt, oo ah khabiir Ingiriis ah oo ka socota waxda caafimadka bulshadda kuna takhasustey dabeecaddaha bulshada isla markaana hogaamineysay cilmibaarista mashruucaan.

Daraasadkan ayaa diiradda lagu saarey dhulka miyiga ah ee degmada Buikwe, ee gobolka dhexe, halkaas oo caadadani la sheegay in ay caan ku tahay.

Wareysiyada la layeeshay afar ragg ah oo la qariyey magacyadooda ayaa sheegay waxa ay ka amisan yihiin cadadan.

Mid ayaa yiri: ‘Waan ogahay in ragga kale ay sameeyaan, laakiin waligeey kalama aanan hadlin.’ Marka aniga waxaan soo jeedin lahaa inay tahay dhaqan iska caadi ah, laakiin bulsho ahaan lama aqbalin wali, ‘ayuu yiri Merritt.

Baadhitaanka horudhaca ahi ayaa sheegaya in ragga inta badan ay cabaan caanaha xaaskooda ka hor inta aan ilmaha la quudin, badiyaa hal mar maalintii, mararka qaar in badan, iyo mararka qaar oo ay saacad caaban.

Nimanka qaar ayaa waxay yiraahdeen waxaan ka heleyna quwaad cabista canaha naaska. “Waxay xoojineysa quwadeyda, waxaan soo doontay qado, qadada ka dib waxaan naaska nuugaya diiqado kadib waxaa helay helay hami  aan ku sii wato shaqadeydii,” ayuu yiri Thomas *.

Saameynta caafimaad “faa’iidada uu leyahay” waa sababta ugu weyn ee ay soo xigteen ragga ku dhaqma dhaqankan. “Bulshooyinka qaar waxay aaminsan yihiin in caanaha naaska ay leeyihiin tamar iyo bogsasho, xitaa in lagu daweeyo cudurada sida HIV / AIDS iyo kansarka,” ayuu yiri Dr. Peter Rukundo, oo bare ka ah Jaamacadda Kyambogo oo gacan ka gaysatay baaritaanka.

Ragga qaar ayaa sidoo kale sheegay inay tahay hab lagu bilaabi karo galmo iyo in loo muujiyo kalgaceyl xaaskada ay tahay in aad naaska ka jaqdo. “Laakiinse arrinta ayaa ah mid ka duwaan oo ku dhacdaa dumarka umusha ah oo ay dhibaato ku hayaan ragooda,” ayuu raaciyay.

Mid ka mid ah ragga ayaa u sheegay cilmi-baarayaasha: “Marka lay naasnuujinayo, waxaan dareemayaa inaan ahay sidii ilmo oo kale oo la daryeelayo, sidaa daraaded waad qabatimaysa oo waxaay ku noqoneysa mid aad la qabsato. Waxaan dareemayaa markaste inaan ahay amiir. ”

Haweenku uma muuqan inay yihiin kuwa doortay arrintan. Waxaay u muuqataa inay tahay dhaqan si qasab ah loogu qasbay, Sida ay mujiyeen dadka aan lahadalnay, ayay raacisay Merritt.

Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii ay maya tiraahdo, haweeneyla wareystay ayaa ku jawaabtay: “Waxaan ka baqayaa in ninkayga uu aado meel kale haddii aanan oggolaan in taasi dhacdo.”

Thomas wuxuu ku andacoonaya oo uu qiray in iska caabin kaste oo ay sameyaan dumarka ay sababi karto in dumarka la garaaco. Ma dhihi karto iney diidaan oo ay maya yirahdaan, sababta oo ah waxaad dareemaysa jahwareer, way adag tahay inaad joojiso. Haddii haweenku yiraahdaan maya waxaay sababi kartaa rabshado ka dhex dhaca qoyska dhexdiisa, waa arin weyn, ”ayuu yiri.

Dhaqanka ayaa lala xiriiriyay inuu badana ka dhaco gobolka Karamoja ee waqooyi-bari Ugaandha. Rukundo ayaa sidaa yirii: “Maamulaha guud ee Xaruunta Dhalanka iyo Nafaqada ayaa sheegtey in ay tahay wax caam ah oo ka jira halkaas oo ah iney isku dhac qoys dhaco, in marka ragga ay sakhraaman oo ay khamriga qaar xoog uu soo cabaan in ay si xoog ah ula soo baxaan naasaha xasaaskood sii ay uu caban.”

Xirfadlayaasha caafimaadka, oo ay ka mid yihiin umulisooyinka iyo nafaqo-yaqaannada, ayaa u sheegay cilmibaareyaasha in ay hayan kisaas ay ka mid yihiin in dhallaanka la siiyo caano boore, maxaa yeelay lamaanaha ayaa raba in uu caanaha naaska cabo, iyo halka dumarku ay mararka qaar ay u yimaadaan rugta caafimaadka iyaaga oo leh caabuq ama naaska oo laga soo qaniinay, sababtoo ah nuugista lamanaheeda oo ilka ku qaniinay. Waxaa kale oo jira halisyo carruurta dhasha ay wajahaan oo dhanka infekshanka kaas oo ka dhasha iskudhaca candhuufta ninka iyo ilmaha

Merritt ayaa intaa raacisay: “Cabsida aan qabo ayaa ah, sii soocoshadda Cadaadan, waxay qayb ka noqon doontaa hiddaha iyo dhaqanka jiilalka soo socda hadii aan laga hortagin. Waxaan ii muqda in ay la mid tahay Gudninka fircooniga (FGM.)”

Rukundo wuxuu u sheegay jariiradda “The Guardian” in dowladda Yugaandha ay leedahay door ay ka ciyaari karto.

“Ma hayno farriin cad ama dadaallo ula kac ah, inkasta oo wasiirka caafimaadka uu daaha ka rogey in arrintan ay jirto. Marka, qaab ahaan, waa beenin. Haddii ay aammusnaadaan, arrinta waxay ahaan doontaa mid daaha gadaashisa lagu sameeyo,” ayuu yiri.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer. I am currently a content creator for Axadle and Jowhar, I love to play with Linux and all other distributions of it. I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa