Qaar ka mid ah Kaamirooyinkii lagu xiray Waddooyinka Muqdisho oo la qarxiyay

Qaraxyo xooggan ayaa xilligii salaadii subax laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo dadka ay si weyn u dareemeen jugtiisa, waxaana ka soo baxayay warar kala duwan.

Sida wararku sheegayaan qaraxyada ayaa lala beegsaday qaar ka mid ah kaamirooyinka lagu xiray Wadada Maka Al-Mukarama.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in labo qarax lagu xiray baallayaasha kaamirooyinka ku xirneyd wadadaas, iyadoo tani ay noqoneyso markii u horeysay ee qaraxyo lagu beegsado kaamirooyinka muddooyinkan ay Sirdoonka Soomaaliya ku xirayeen isgoysyada iyo waddooyinka Muqdisho.

Inta badan goobaha kaamirooyinka ku xirnaayeen ayaa waxaa bar koontaroolo ku lahaa Ciidamada Amniga.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha ammaanka oo ku aadan qaraxyada saaka lala eegtay Kaamirooyin ku xirnaa Wadada Maka Al-Mukarama.