Sheekh Shariif iyo James Swan oo ku kulmay London

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xalay ku kulmay magaalada London.

Labada dhinac ayaa wada hadlay arrimo kala duwan sida doorashada Galmudug, doorashada Federaalka ee soo socota iyo xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka doorashada Galmudug ay noqoto mid loo dhan yahay oo dhinacyada kala duwan ay heshiis ku yihiin.

Sidoo kale waxaa si gaar ah looga hadlay doorashada 2021 sidii ay waqtigeeda ugu dhici laheyd, dhammaan saamileyda siyaasadeed ay ka qeyb qaataan.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Beesha Caalamka ay u arkaan sanadkan inuu yahay mid muhiim ah, loona baahan yahay qorshayaasha hortabinta leh sidii looga wada shaqeyn lahaa, sida doorasho loo dhan oo waqtigeeda ku dhaca.