UK oo Somaliland ka taageereysa amniga iyo dhisida awoodda Ciidamada

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka taageereysa Somaliland sare u qaadida amniga Geeska, iyadoo la dhisayo awoodda Ciidamada difaaca, waxaana arrintan qeyb ka tahay dhowr mashruuc oo lagu tayeynayo Ciidamada Somaliland oo muddooyinkii la soo dhaafay la hirgaliyay.

Wakiilka Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Britain ee Soomaaliya Lt Col. Huan Davies ayaa dhowaan booqday magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, isagoo la kulmay Saraakiisha Sarsare ee Milateriga Somaliland iyo Wasiirka Difaaca Somaliland.

Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa waxay uga wada hadleen arrimaha difaaca ee danaha labada dhinac iyo xoojinta xiriirka, cusbooneysiinta taageerada dhanka ciidanka.

Axiom International oo ah Shirkad laga leeyahay Britain ayaa iyadoo ka wakiil ah dowladda UK waxay ka fulineysay Somaliland barnaamijka dhisidda awoodeed ee xaga ciidanka, kaasoo ujeedkeedu yahay in la kordhiyo xasiloonida iyo Amniga Somaliland.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa arimaha difaaca, tababarka, awoodda dhisida, bixinta sahayda aasaasiga ee lagama maarmaanka u ah nabadda iyo xasiloonida iyo xukunka sharciga.

Somaliland ayaa waxay dhowr jeer muujisay inay xiiseyneyso marti gelinta saldhigyo ay deegaanadeeda ku yeeshaan Ciidamada Badda ee Ingiriiska iyo Ruushka, taasoo loo arko marin muhiim ah oo ku teedsan Xeebta Badda Cas oo ah marinka ugu mashquulka badan uguna istiraatiijisan isticmaalka maraakiibka isaga kala gooshta adduunka.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2019 ayaa waxaa magaalada Hargeysa booqasho lama filaan ah ku tahay Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Gavin Williamson waxaana uu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Xaajii Maxamuud, iyo Wasiirka Difaaca Ciisa Ahmed.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, muddo 28 sano ah ma helin aqoonsi.