C/llaahi Goodax Barre oo weerar afka ah ku qaaday Senator C/raxmaan Faroole

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday Senator C/raxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, horayna Madaxweyne uga soo noqday Puntland.

Isagoo ka hadlayay arrinta muranka badan dhalisay ee Shahaado bixinta Ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jebisay Dugsiyada sare ayuu xusay in arrinaas aanay shaqo ku laheyn Dastuur, laguna fasiri karin, isagoo xusay in aysan xaq aheyn Arday aan Imtixaan gelin in shahaado la siiyo, isagoo tilmaamay in aanay jirin dastuur sharciyeynaya

Goodax ayaa sheegay in arrinta waxbarashada ku saabsan ee shahaadada loo diiday arday aan Imtixaan gelin ay siyaasadeynayaan shaqsiyaad Puntland xilal ka soo qabtay, gaar ahaan Faroole, wiilkiisa Juxa iyo Cali Xaaji dad noocaas ah oo u afduuban siyaasadda waxbarashada

“Faroole waxaa leeyahay waqtigii aad fariisan laheyd ayaa la gaaray”ayuu yiri Wasiir Cllaahi Goodax Barre.

Halkan hoose ka daawo.

C/llaahi Goodax Barre "Faroole waqtigii uu ku fariisan lahaa ayaa la gaaray' Dastuurkan uu ku waashay…"

Publiée par Abdiaziz Golf sur Vendredi 31 janvier 2020