DEG DEG: C/rashiid Janan oo Doon ku tagay Kismaayo

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo maalmo ka hor ka baxsaday dowladda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in C/rashiid Janan uu doon uu kaga yimid Muqdisho ku soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in doonta ka soo qaaday Xeebaha Muqdisho ay dhexda ugu tagtay doon kale oo laga diray Kismaayo, oo ay la socdeen Ciidamo Ilaalo ahaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay ka shaqeynayay sidii C/rashiid Janan oo badqaba uu dhanka Badda ugu imaan lahaa Kismaayo.

C/rashiid Janan ayaa la geeyay Guriga Martida ee Kismaayo, iyadoo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ay shaaca ka qaaday in C/rashiid Janan uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa.

Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa inuu war ka soo saaro imaanshaha C/rashiid Janan, sidoo kale Mr Janan ayaa qudhiisa la filayaa inuu warbaahinta la hadlo.

La soco wixii ku soo kordha.