Madasha Xisbiyada Qaran oo war ka soo saaray Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war murtiyeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, iyadoo Madashu caddeysay inay si dhow ula socotay xaaladda murugsan ee ka jiray.

War murtiyeedka Madasha ayaa lagu sheegay in xaalada ka taagan Galmudug ay ka soo bilaabatay  kala fogeyntii madaxdii wada shaqeyneysay ee maamulkaas dabayaqaadkii bishii June ee sanadkii hore, qaabkii lagu soo dhisay guddigii farsamada maamul dhisida iyo hannaankii lagu soo xulay Xildhibaannada iyo cabashooyinkii ka soo baxayay Odayaashii soo xulay Galmudugtii Cadaado lagu soo dhisay 2015.

Madashu ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay khilaafka ka aloosan Galmudug iyo inay yeelato saddex maamul oo is diidan, kuwaasoo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanaya midnimada dadka reer Galmudug

Ugu dambeyn madasha ayaa lix qodob ka soo saaray oo isugu jiray Baaq iyo digniin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda dowladda inay ka joojiyaan faragelinta ay ku hayaan, in khilaafka siyaasadeed ee xowliga ku socda aanay keenin gacan ka hadal iyo qodobo kale.

Halkan hoose ka akhriso baaqa Madasha:-