Ruushka oo doonayo inuu Saldhig Milatari ka sameysto dekeda Berbera

Dowlada Ruushka ayaa doonaya inay saldhig milatari ka sameysato dekeda magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in Ruushka uu doonayo inuu ku sii fido dalal ku yaal qaarada Afrika oo ay ka mid tahay wadamada Geeska Afrika.

Arrintan ayaa waxa ay walwal ku haysaa wadamada reer Galbeedka oo uu Maraykanka u horeeyo.

Dalalka Shiinaha iyo Maraykanka ayaa saldhigyo milatari waxa ay ku leeyihiin dalka Jabuuti oo aan ka fogeyn magaalada Berbera.

Sidoo kale dowlada Ruushka ayaa qorsheynaya in uu saldhig ciidamada badda ah ka dhisato dalka Eritrea sida lagu daabacay wargeyska caanka ah ee New York Times.

Dowlada Maraykanka ayaa ka walwalsan tartanka dalalka Ruushka iyo Shiinaha ee ku sii kordhaya qaaada Afrika.

Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay wadankii la isku oran jirey Midowga Soofiyeeti iyo Ruushka ayaa waxaa ay u muuqataa haatan in dalka Ruushka uu doonayo inuu dib u soo ceshto awoodii uu Midowgii Soofiyeti ku lahaa qaarada Afrika iyo guud ahaanba caalamka.