Wasiirkii Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi oo iska casilay xilkiisa

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Jubbaland Aadan Ibraahin Aw-Xirsi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Jubbaland.

Wasiirka ayaa war qoraalka ah oo uu soo dhigey bartiisa Facebook-ga ayaa ku sheegay inuu isku casilay sabab la xiriirta u dabaal degga qof ka baxsanaya Cadaaladda oo ugala jeeday C/rashiid Janan oo saddex maalin ka hor ka baxsaday dowladda Soomaaliya.

“Damiirkeyga ima siinayo inaan ka sii mid noqdo maamul u dabaaldegaya qof ka baxsanaya caddaalada oo ku eedeysan ku xadgudub xuquuqda aadanaha.”ayuu yiri wasiirka ku dhowaaqay is casilaada.

Wasiir Aw Xirsi ayaa ka mid ahaa Wasiirada ugu saameynta badnaa Jubbaland, waxaa uu horay u soo qabtay xilal kala duwan, sida Guddoomiyaha Gobolka Gedo iyo xilkii Wasiirka Dastuurka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu bartiisa facebook soo dhigey wasiirka Qorsheynta Jubbaland.