Khilaaf soo kala dhex galay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’ad Turki oo maamusha Isbitaal ku yaal Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku caddeysay in uusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgelin oo kala dhaxeeyo Hey’adda Yadimeli oo maamusha Isbitaalka Yardimeli oo ku yaakla degmada Xamar jajab, agagaarka Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in in shaqada hey’addaas ka wado isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u degan.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay dhammaan adeeg bixinta caafimaadka dalka cidka kasta oo aan u heysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon larta wasaaradda caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed

Halkan hoose ka akhriso Wasaaradda Caafimaadka