C/raxmaan C/shakuur “Tuhunkii laga qabay dowladda Mareykanka maanta ayuu cadaaday”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo qoraal uu uga fal celiyay hambalyadii Safaaradda Mareykanka ay u dirtay Axmed Qoor Qoor ayaa sheegay inuu maanta cadaaday tuhunkii laga qabay dowladda Mareykanka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa si weyn ugu dhaliilay Beesha Caalamka ku tumashada madaxda dowladda ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, weerarka mucaaradka iyo kuwa kale.

Qoraalka C/raxmaan C/shakuur ayaa sidan u qornaa:-

Soomaalida inteeda badan labo arrimood ayaa isku qaban la’a.

1- awood sheegashada Dowladda Federaalka ah iyo itaalkeeda inta uu la egyahay.

2- Sababta ay beesha caalamka uga aamusantahay ku tumashada madaxda dowladdu ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, colaad hurinta beelaha dhexdooda, weerarka mucaaradka, maadaama ay dowladdu ku taagan tahay cududda ciidan ee AMISOM iyo muruqa diblomaasiyadeed ee beesha caalamka.

Tuhun laga qabay dowladda Maraykanka waa jiray, laakiin tuhunkaas maanta ayuu caddaaday.