Cali Ciid oo loo doortay xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

Cali Daahir Ciid ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ee goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Doorashadan ayaa aheyd mid adag oo gaartay wareegii labaad, waxaana doorashada Madaxweyne kuxigeenka ka xiiso badneyd tii Madaxweynaha ee qaadatay wax ka yar hal saac.

Cali Ciid ayaa helay 46 cod, wareegii labaad ee doorashada, halka Musharaxii la tartamayay C/qani Sheikh Cali Diini uu helay 31 cod.

Waxaa xusid mudan in Xildhibaano ku dhow Madaxtooyada ay wateen Musharax kale oo aan soo gudbin wareega labaad.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenka ee ku soo gabagabowday Dhuusamareeb ayaa ahaa hannaankii doorashada ee ay dowladda Federaalka taageersaneyd, kaasoo uu ka taagnaa muran badan iyo khilaaf sababay in Musharaxiintii Mucaaradka ay isaga baxaan tartanka doorashada.