Hakadkii uu ku jiray howshii Baasaboorka Soomaaliga oo waqti dheeraad lagu daray

Waqti dheeraad ah ayaa lagu daray howshii qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliya oo muddo todobaad hakad la geliyay, sababo la xiriira howlo farsamo oo ku socday hannaanka baasaboorada.

Qoraal ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay inuu is bedel ku yimid mudadii todobaadka aheyd ee la hakiyay, isla markaana maalmo dheeri ah lagu daray

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Hey’adda ayaa sheegtay inay ka xun tahay dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, isla markaana Muwaadiniinta soo codsanaya ay u dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo laga dhameysirayo.

Nidaamka habka bixinta baasaboorada iyo qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ku socday horumarin iyo dib u habeyn.