Wararkii ugu dambeeyay doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb

Waxaa goor dhow la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ka bilaabato doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ahaa hannaankii maamul dhisida Galmudug ee ay waday dowladda Federaalka, kaasoo ay qaadaceen afar ka mid ah Musharaxiintii ugu tunka weynaa ee mucaaradka ahaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa shalay iclaamiyay in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ay dhici doonto maanta oo Axad ah, isagoo faray Xildhibaanada inay isugu yimaadaan.

Doorashada Dhuusamareeb ayaa noqon doonto mid u dhacda sidii la filayay oo dad badan ay sii ogaayeen oo ah in Madaxweynaha la dooran doono uu noqon doono Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahaa Wasiiru dowlihii Howlaha Guud, waana Musharaxii dowladda wadatay oo wax walba loo sameeyay intii ay socotay howshii soo xulida Xildhibaanada iyo hannaanka doorashada.

Ammaanka Hoolka doorashada ka dhaceysa ee Shiirkole ayaa waxaa la wareegay Ciidamadii Booliska ee Muqdisho laga keenay iyo Ciidamo ka socda AMISOM oo kol hore la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba ha ahaatee doorashada saaka ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa waxaa horay uga hor-yimid Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Madaxii Xukuumadda Galmudug, maalmo ka hor doorasho garabka Ahlusuna qabsadeen ay ugu doorteen Madaxweynaha Galmudug.