Al-Shabaab oo la sheegay in shaqaale samafal ka afduubteen Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe ka afduubteen duleedka degmadaas Labo shaqaale sama fal ah oo u shaqeynayay Hey’ad Maxalli ah oo lagu magacaabo Hirda.

Shaqaalahan iyo gaadiid ay wateen ayaa waxaa afduubtay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in labada shaqaale ee la afduubtay ay ahaayeen Soomaali.

Al-Shabaab ayaa horay Gobolka Gedo uga afduubtay shaqaale sama fal oo Soomaali ah, inkastoo markii dambe ay sii daayeen.